Madaxweynaha Midowga Yurub oo Booqan doona Xuduudka Turkiga iyo Giriiga.

Published: March 2, 2020

Madaxweynaha midowga Yurub Sharek Michel ayaa ku dhawaaqay in uu booqan doono xuduudka dalalka Turkiga iyo Giriiga maalinimada Talaadada si uu usoo qiimeeyo xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirta, waxaana socdaalkaas ku wehelin doona Raiisul Wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis.

Madaxweynaha oo warkaan ku daabacay bartiisa Twitter-ka waxa uu sheegay inuu taageersanahay qorshaha ilaalinta xuduudka Giriiga halkaas oo ay kumanaan tahriibayaal ahi doonayaan inay uga gudbaan dhinaca dalalka kale ee yurub.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay inuu kulan la qaadan doono Raiisul Wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis kulankaas oo ay kaga arrinsan doonaan qorshaha ugu haboon ee laga yeeli karo tahriibayaasha doonaya inay ka gudbaan xuduudka Turkiga iyo Giriiga.

Turkigga ayaa sabtidii lasoo dhaafay furay albaabadiisa isagoo sheegay sida la qiyaasay in ka badan 100kun oo qof oo muhajiriin ah ayaaa gaaray xuduudka labada dal ay wadaagaan. Greecega ayaa si wayn u adkeeyay xadkiisa isagoo soo dhigay ciidamo kala duwan, sidoo akle muhajiriinta ayaa loo adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa.

Horseed Media.2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *