Madaxweynaha oo dib ugu laabtey Dhuusamareeb kulana la qaatey Saraakiisha

13 September, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalga ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtey magaalada Dhuusamareeb oo u…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalga ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtey magaalada Dhuusamareeb oo u ahayd xarunta hoggaanka dagaala ka dhanka ah argagxisada, kadib markii uu safar maalmo qaatey ku kala bixiyey degmooyinka gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaana yy ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalka ka dhanka ah aragagixisada.

Xasan Sheekh ayaa bishii labaad ku sugan Dhuusamareeb, waxaana ka muuqada xaalad ka duwan tii horey loogu bartey garka iyo timaha ayaa aad ugu baxay, waxaa ka muuqda nasasho la’aan maadaama uu furimaha taagnaa mudadaas tuutena xirnaa.

Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda dagaalka ciidanka xooga dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kula jiraan argagxisada uu u leeyahay jiritaanka dadka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo u dirir ah oo la mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankooda loogana soo horjeeday gummeystaha shisheeye.

“Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay.”

maalmihii u danbeeyey ciidamada ayaa guulo ka gaarey dagaalka, waxaana ay argagsixisada al-Shabaab ka saareen dhul aad u weyn iyada oo wax weyn laga beddeley istraatiijiyadii hore kadib dhibaatadii ka dhacdey dagaalkii Cawsweyn ee ciidanka khasaaruhu soo gaarey.

Horseed Media