Madaxweynaha Puntland oo magacaabey saddex xubnood oo ka mid noqonaya guddiga doorashooyinka

Published: August 15, 2023
Shares28

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xeer ku magacaabey maanta oo Salaasa ah saddex xubnood oo ka mid noqonaya guddiga doorashooyinkaa Puntland ee PEC.

Deni isbeddel

Madaxweynaha ayaa saddexdan xubnood u kala magacaabey Maxamuud Soofe Xasan oo ka soo jeeda gobolada SSC horeyna uga mid ahaan jirey guddiga doorashooyinka kumeel-garka ahaa ee xiliyadii 2011 – 2019, sidoo kale waxa uu magacabey Maxamed Abshir Garaad oo ka soo jeeda isla gobolada SSC, xubinta saddexaad ayaa ah Cabdullaahi Siciid Ismaaciil oo horey u soo noqdey guddoomiyaha degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa horey u magacaabey xubintii KAAH, waxaana uu u magacaabey Cabdullaahi Maxamed Barre oo kamid ahaa kaadiriinta ururka KAAH, taas oo dood laga keenay in xubno kamid ah ururada lagu daro PEC, sidaas ayaa Madaxweyne Deni ku magacaabey afar xubnood.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa isaguna leh awood uu ku magacaabey saddex xubnood ee PEC kamid noqonaya, waxaana ka mid ah xubnaha uu magacaabey xildhibaan golaha wakiilada ka mid ah taas oo ka hor imaaneysa xeerka guddiga doorashooyinka.

Madaxweyne Deni iyo Afhayeenka Baarlamaanka ayaa lagu dhaliiley in aysan waxba ka beddelin qodobka magacaabidda tirada badan siinaaya, laakiin dastuurka ay ka beddeleen qodobo kale oo qaar kamid ah ururada siyaasaddu sheegeen in loo diyaariyey caleema saarka mar labaad ee Madaxweyne Deni.

Isku dar waxaa Madaxweyne Deni iyo Afhayeenka Baarlamaanku soo magacaabeen 7 xubnood, kuwaas oo mid kmaid ah aysan ku jirin qof dumar ah.

Iyada oo wax yar ay ka harsan tahay muddo xileedkii goloyaasha Puntland, ayaa meesha laga wada saarey guddigii TPEC ee khibradda iyo aqoonta u lahaa doorashooyinka ee muddo afar sano ah soo shaqeeyey.

Ururka Shaqaalaha oo keliya ayaa xubintiisa magacaabey, halka ururada kale ee Ifiye, Mustaqbal, Sincad, Runcad, Horseed iyo Mideeye aysan cidna magacaabin.

Guddoomiyaha Golaha wakilada Puntland ayaa muddeyey xiliga la ansixinaayo guddiga PEC oo aanba la dhisin, iyada oo la beddeley qodobka ansixinta ee guddiga doorashada oo qabey saddex bilood ka hor in la mudeeyo maalinta ansixinta.

Urur Siyaasadeedka mucaaradka ugu weyn ee Mideeye ayaa hadda diidan qaabka Madaxweyne Deni ku wado arrimaha doorashada, taas oo caqabad weyn ku ah Madaxweyne Deni.

Horseed Media