Madaxweynaha Punland oo mar kale dib u magacaabey Isla Golihii Maxkamadda sare ee kalsoonida waayey

Published: July 4, 2022

Kadib markii Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ay kalsoonida u diideen golaha Adeega garsoorka ee maxkamadda sare ayaa madaxweynaha Puntland mar kale wareegto ku magacaabey golahaas oo sidiisi ah, iyada oo wareegtadii 31 Maarso 2022 laga bedalay keliya taariikhda, iyo xeer lanbarka oo midna ay tahay 28 halka tii hore ay tahay 21 waxaana la shaaciyey markii Madaxweynhu dalka ka baxay.

Puntland State

MADAXWEYNAHA OO DIB U MAGACAABAY MAXKAMADDA SARE EE DOWLADDA PUNTLAND

Garoowe: 04 July 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

  1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay

B. Keydka

1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin

2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin

T. Xubno Guddi

1. Daahir Maxamed Nuur

2. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *