Madaxweynaha Puntland ayaa booqdey buunadadii roobabku jareen tuulada Xaaji Kheyr

Published: June 9, 2023

Madaxweynaha Puntland oo maanta safar uga so baxay magaalada Qardho ayaa lagu soo dhaweeyey tuulada Xaaji Khayr oo dhanka koonfureed uga beegan degmada Qardho masaafo gaareysa 60km haddana ka tirsan gobolka Nugaal.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku wajahan caasimadda Puntland inkasta oo uu ku hakanaayo degmada Dangorayo halkaas oo uu ku sugnaa ilaa galabta.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa indhihiisa ku soo arkey buundo kamid ahayd kuwii dhawaan la dayac-tirey oo ku dhaw tuulada Xaaji Kheyr taas oo biyaha roobku jabsadeen, waxaa goobta ku sugnaa guddoomiyaha hay’adda waddooyinka ee Puntland Cabdifataax Sugulle, iyo masuuliyiin ka socotey shirkadii qandaraaska lagu siiyey ee ALBASHA.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in dib loo dhisaayo buunadada, isla markaana wax laga beddaaayo, sidii hore.

Dadka khubarada ah ee yaqaan dhismayaasha buundooyinka ayaa sheegaya in ay ahayd tuubo aad u yar oo aan xamii karin biyaha badan ee loo baahan yahay in halkaas laga sameeyo buundooyinka loo yaqaan qolalka.

Horseed Media