Madaxweynaha Puntland oo 55 maalmood ka maqan Puntland

Published: October 9, 2023
Shares10

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu ka soo dego Puntland kadib safarkiisi ugu dheeraa intii uu xilka hayey ee uu ka maqan yahay Puntland.

Siciid Deni Safar

Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa ahaa mid gaar ah oo la xiriira arrimihiisa gaarka ah, maadaama aysan jirin cid kamid ah xukuumadiisa oo ku wehelisa safarka.

Kadib 55 maalmood oo uu ka maqan yahay Puntand, muddo xileedkii goloyaasha oo gabaabsi ah, xuquuqdii shaqaalaha iyo ciidamada oo aan la bixin muddo bilo ah ayaa la is weydiin waxa Madaxweynuhu la soo guryo noqonaayo.

Tan iyo markii Madaxweyne Deni ka dhoofey Garoowe bartamihii bishii Agoosto ayaan meel fagaare ah lagu arkin, waxaana uu wakhtigiisa ugu badan ku qaatey dalka Imaaraadka carabta.

Dastuurka Puntland ayaa qaba in Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-Xigeenku dalka aysan ka maqnaan karaan muddo ka badan lixdan (60) beri, sabab la’aan.

Laba todobaad ka hor ayaa Madaxweynaha Puntland waxa uu tegey dalka Kenya, haatan waxa uu ku sugan yahay Adis Ababa.

Baarlamaanka Puntland ayaa lagu waa in kalfadhiii ugu danbeeyey u furmo 25 Oktoobar, sida lagu yaqaaney kalfasdigan ayaa lagu asnixin jirey miisaaniyadda kumaal-gaar ah ee saddexda bilood Janaayo ilaa Maarso, laakiin qorshaha ayaa ka duwan sidii hore.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu eedeynayaa in uu doonaayo muddo xileed dheeraad ah in uu helo.

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa diyaariyey qorshe ay barlamaanka hor geynayaan kaas oo ah jadwalka doorashada taas oo lagu dhex qarinaayo muddo kororsi lagu dayaayo dadka Puntland taas oo lo dhigey in ay doorashada qabanayaan Bisha Abril 2024.

Haddii qorshaha muddo kordhinta farsameysan ee afarta bilood ah ay hirgasho ayaa lagu wadaa in la beddelo lagana dhigo bartamaha 2025.

Mustaqbalka Puntland ayaa u muuqda hubanti la’aan, Madaxweynaha Puntland oo horey logu bartey in qorshayaal adag uu kadayo Puntland u socdeen ayaa la dhihi karaa waa isku daygii u dnabeeyey, maadaama ilaa hadda uu wajihi waayey xaqiiqada.

Horseed Media