Madaxweynaha Puntland oo dalka dib ugu soo laabtey

Published: October 10, 2023
Shares40
Siciid Deni safar

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo 56 habeen ka maqnaa dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtey Garoowe.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bartamihii bishii Agoosto ka dhoofey Puntland, waxaana uu safarkiisu ahaa mid isaga gaar u ah oo uu ku tegey dalka Imaaraadka carabta oo uu joogey inta badan, Kenya iyo Itoobiya oo uu hadda ka soo duuley.

Soo laabashada Madaxweyne Deni ayaa ku soo beegmeysa iyada oo Garoowe ka furmey shir ay isugu yimaadeen mucaaradka Puntland kaas oo looga arinsanaaayo aayaha Puntland.

Horseed media