Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay dhismaha balaarinta dekedda Bosaso

Published: January 24, 2023
Shares4

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa afar sano kadib mar kale dhagax-dhiggay dhismaha balaarinta dekedda Magaalada Bosaso.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay munaasabada dhagax-dhigga ayaa sheegay inay Bosaso ayheli doonto mashaariic badan oo horumarimeed.

Siciid Deni ayaa sheegay in dekedda Bosaso ka balaariyo kadib ay noqon doonto mid kamid ah dekedaha ugu casrisan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhagax dhigga kahor magaalada Boosaaso ku qaabilay wefti balaaran oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna.

Horseed Media