Madaxweynaha Puntland oo dhoweeyay qodobadii ururrada ay ku xireen qabsoomida doorashada

Published: December 26, 2022
Shares28

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa Qoraal uu soo saaray kusoo dhoweeyay dadaalka Ururada Siyaasadda Puntland ee ka qeybgalka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Madaxweynaha ayaa qoraalka uu soo saaray ku yiri “Waxaan 8-dii December 2022 iyo 18 December 2022, aan kulamo la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland, waxaan dhegaystay soojeedimahooda la xiriira arrimaha Doorashooyinka iyo waxkasta oo aan u arkeynay in ay cabasho ka muujinayaan si xal looga gaaro, kulamadaasi waxaa ay qeyb ka ahaayeen kuwo aan la qaatay Guddiga Doorashooyinka iyo Ururada Bulshada si loo dardargeliyo Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland”

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey “Ururada Siyaasadda Puntland waxaa ay ila wadaageen 13 qodob oo ay u arkeen kuwo u baahan in wax laga qabto kahor xiliga doorashada, 11 qodob oo ka mid ah soojeedintooda waxaan ka bixinay garowshiyo oo qeybtood waxaan dhameystirnay iyadoo ay kulamadu noo socdaan, halka 2 qodob ay u baahdeen wax ka bedel Sharci”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraalka ku sheegay qodobada kala ah:

1. In dhameystirnay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah taasi oo bud-dhig u ah Doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka Hay’addaha Dowliga ah ee Puntland.

2. Xukuumadda waxay soo dhoweysay in la isla qaatay wakhtiga diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee 05ta January 2023, iyadoo ururada siyaasadda fursad loo siiyey in ay u diyaar garoobaan diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha 17-ka degmo oo ka tirsan Gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

3. Xukuumadda waxay garowsatay in Ururada Siyaasadda iyo Guddiga Doorashooyinka ee TPEC ay is fahan ka gaaraan qodobka ku saabsan hab-ka doorashada ee Liistada xiran iyadoo aan wax loo dhimayn Xeerka Doorashooyinka Puntland.

4. Doorashooyinka Goleyaasha deegaanku waxaa ay ka dhici doonaan degmooyinka Puntland, iyadoo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha la isu raacinayo hadba sida Gobolladu isu raaci karaan, markii ay soo dhamaato diiwaan-gelintu Waxaa ay doorashadu dalka ka wada dhacaysaa hal maalin sida Dastuurku uu dhigayo.

5. Waajibaadka Guddiga Doorashooyinka ayeey ka mid tahay in ay ururada siyaasadda la wadaagaan xaaladda deegaannada Doorashadu ka dhacayso ee 37-da degmo kahor xiliga doorashada, waana in ay noqdaan deegaanadaaasi kuwo si hufan, siman oo daah-furan ay uga dhacdo Doorashadu iyadoo uusan Ururna si gaar ah wax u sheegan karin.

6. Si loo yareeyo waxkasta oo caqabad ku noqon kara hanaanka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo Doorashooyinkaba, waxaa ay Dowladdu ka shaqeynaysaa xalinta cabashooyinka ku saabsan soohdimaha kahor intaan la gaarin wakhtiga Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha.

7. Madaxweynaha waxa uu ku baaqay in la dhawro habraacyada iyo nidaamka xisbiyada Puntland, xubin kasta oo ku soo baxda magac urur isla markaana ka baxda ururka oo ku biirta midkale ama ka hor timaada ajandaha ururkiisa.

8. Sida hore uga dhacday saddexdii degmo ee ay Doorashooyinka ka qabsoomeen, Ururkasta oo hela aqlabiyadda codadka deegaan doorasho, ama isbaahaysi ku yimaada labo urur, Waxaa ay xaq u leeyihiin in ay soo dhisaan maamulka degmadaasi iyaga oo ka madax banana faro-gelin.

9. Madaxweynaha ayaa usoo jeediyey Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC, in dhammaan shaqalaaha ay u qaadanayaan Doorashooyinka ay noqdaan kuwo la waafijiyey habraacyadooda iyo xeerarka u yaalla, si loo illaaliyo daah-furnaanta shaqo iyo habka maareynta dhallinyarada loo qaatay arrimaha doorashooyinka.

10. Sidoo kalw waxa uu tixgeliyey duruufaha dhaqaale ee jira iyo muhiimada ay leedahay in Ururadu Siyaasadu helaan waxyaabaha asaasiga u ah, waaxa la kordhiyey kharashka Dowladdu ku kabto Ururada Siyaasadda Puntland.

11. Si loo illaaliyo Anshaxa Doorashada, waxaa muhiim ah in la dhiso Guddiga Anshaxa iyo Illaalinta Sharafta Doorashada (Election Integrity Commission).

Gebegada qoraalka ayaa lagu yiri “Maadaama aan 90% ka jawaabnay dhammaan soojeedimihii Ururada siyaasadda Puntland, waxaan iyagana uga mahadcelinaya in ay fahmeen si waaqici ah in aysan suuragal aheyn wax ka bedel hadda lagu sameeyo, labada qodob ee kala ah.

➢ In la furo nidaamka xisbiyada ee xadidan oo ku xusan Dastuurka Puntland.

➢ In la dhimo tirada Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntlnad.

Hirgelinta hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland waa rajada shacabkeenna, waa sida keliya ee awooda loogu dhoweyn karo shacabka, sidaasi darteed Ururka aan guddoomiyaha u ahay in uu guuleysto waxaa igala muhimsan in nidaamku guuleysto oo codka shacabka lagu tartamo.

Ugu danbeyn waxaan boggaadinayaa dadaalka Ururada Siyaasadda ee ku wajahan ka qeybgalka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Puntland, waxaana ka dowladd ahaan diyaar u nahay in aan waxkasta oo shaki ku keeni kara doorashooyinka wax ka qabano. Sidoo kale waxaan rajeynayaa in wakhtiga harsan wadajir la isugu diyaariyo diiwaan-gelinta iyo Doorashooyinka.”

Horseed Media