Madaxweynaha Puntland oo furey kalfadhigii 52aad ee golaha wakiilada

Published: June 15, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah u furey kalfadhigii 52aad ee Golaha wakiilada Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey furitaankii kalfadhiga, waxaana ugu muhimsanaa.

Barnaamijka Dimoqraadiyadda

Madaxweynaha ayaa sheegay in 33 degmo laga qabtey doorashadii goloyaasha deegaanka, natiijadiina loo gudbiyey maxkamadda sare, markii ay ku dhawaaqdona Puntland ay yeelanayso xisbiyo rasmi ah oo barnaamijka horey u sii wada. Madaxweynuhu waxa uu soo qaadey in magaalooyinka dhiman ee saddexda ah ku rajo weyn yahay in aysan asaagood ka harin oo doorashadu ka dhacdo, sidoo kale siyaasiyiin uu ku tilmaamey banaan joog ayaa Madaxweynuu ugu baaqey in ay ururada siyaasadda ka mid nodaan oo waddo kale aysan furneyn.

Dowladda federaalka iyo Puntland

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Dowladda federaalka kaas oo noqonaya mid gaar ah oo cid kale aan ku xirneyn oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda federaalka ah, sidoo kale waxa u sheegay in heshiisyadii horey loola galey Dowladda federaalka ah weligeedba aysan fulin, laakiin ay mowqifkooda soo bandhigeen bishii janaayo 20203 isla markaana ay diyaariyeen guddi wada xaajood.

Xaaladda Gobolka Gedo

Madaxweyne Deni waxa u ku tilmaamey xaaladda gobolka Gedo mid aad looga xumaado, waxaana uu madaxda dowaldda federaalka ku booriyey in aysan ku kicin wixii iyaga shalay lagula dhaqmey, ma ahan in duulimaadyada laga xanibo gobolka Gedo ayuu yiri, Jubaland waxay u baahan tahay dib u heshiisiin.

Xaaladda Gobolka Sool

Xaaladda gobolka Sool ayaa Madaxweyne Siciid Deni mar kale soo qaadey, wuxuuna ugu baaqey Somaliland in ay u hoggaansato baaqyada caalamiga ah oo ay isaga baxdo gobolka Sool, Puntland ma daawan doonto waxaana ay si rasmi ah oo muuqata u soo geli doonta dagaalka ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Kalfadhiga 52aad ayaa socon doona muddo 45 maalmood ah, waxaana uu noqon doonaa kalfadhigii ugu xasaasiyadda badnaa, maadaama Madaxeyne Deni uu doonaayo in dastuurka wax laga beddelo taas oo si weyn loogu kala aragti duwan yahay.

Horseed Media