© 2022 Horseed Media Group

Madaxweynaha Puntland oo Hay’adda Finish Red Cross kala hadlay Arrimaha gargaarka

Shares124

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Finish Red Cross oo ay hoggaaminayso Madaxa Hay’addaasi ee Soomaaliya Terhi Heinasmaki, ayna qeyb ka yihiin Madaxda Hay’adda Bisha Cas ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha gargaarka, gurmadka Abaaraha iyo horumarinta habka wada shaqeyn ee Dowladda iyo Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeynaya arrimaha bani’aadantinimada.

Madaxweynaha Puntland ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Awooda Dowladda iyo Hay’adaha kala duwan ee la shaqeeya la gaarsiiyo heer loo diyaariyo in laga jawaabi karo masiibooyinka dabiiciga ah ee yimaada. Iyadoo Istiraatijiyad arrintaasi lagu hirgelinayo laga shaqeynayo. 

Shirka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Horseed Media