Madaxweynaha Puntland Oo Isku-mar Magacaabay 24 Xil !

Published: June 25, 2023

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa magacaabay qaar kamid ah Taliyayaasha ciidamada ee gobolada Puntland,Taliska Ururka Kamaandoosta Danab ee Madaxtooyada, Maamulada Gobolada Nugaal, Gardafuu iyo La-taliyayaal.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horreyn soo saaray Xeer Madaxweyne kuna saabsan magacaabid iyo Isku bedel Taliyayaasha Qaybaha Boliiska ee Goboladda Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag iyo Taliyaha Ururka Kamaandooska Danab ee Madaxtooyada PL:-

  1. Waxaa G/Sare Maxamed Cali Axmed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal.
  2. Waxaa G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Boliiska Gobolka Nugaal loo bedelay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar.
  3. Waxaa G/Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag.
  4. Waxaa G/Dhexe Qaasim Jaamac Shire loo magacaabay Taliyaha Ururka Danab ee Kamaandoosta Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland.
  5. Waxaa G/Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu.

Sidoo kale MW Deni ayaa magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo ku-xigeenadiisa iyo guddoomiyaha gobolka Gardafuu.

  1. Waxaa Cumar Cismaan Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu
  2. Waxaa Cabdiraxamaan Abshir Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal
  3. Waxaa Mukhtaar Faarax Jeer loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-AAD Gobolka Nugaal
  4. Waxaa Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-AAD Gobolka Nugaal

Wareegtooyinka caawa kasoo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo wacygelinta oo uu u kala magacaabay:-

  1. Waxaa Cabdi Cali Qarjab loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gudaha iyo Amniga.
  2. Waxaa Qaalib Xasan Maxamuud (Baaruud) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo Wacyigelinta.

Sidoo kale Deni oo magacaabay Xisaabiyaha Guud Wasaaradda ee Puntland iyo Agaasimayaal Guud.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne kuna saabsan magacaabid Xisaabiyaha Guud ee Puntland iyo Agaasimayaal Guud.

  1. Waxaa Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland
  2. Waxaa Axmed Jaamac Jawle loo magacabaay Agaasimah Guud ee Wasaaradda Maaliyadda
  3. Waxaa Cabdulqaadir Axmed Xaashi loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda
  4. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda
  5. Waxaa Yuusuf Maxamed Faarax (Geesa Wayne) loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Bankiga Dowlada Puntland
  6. Waxaa Maxamed Cali Faarax (Faramyeeri) loo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland
  7. Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cabdidaahir Maxamed loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland
  8. Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland
  9. Waxaa Sharmaarke Yaasiin Cali loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
  10. Waxaa Xasan Maxamed Ciise (Goodir) loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
  11. Waxaa Cabdixakiin Maxamed Cismaan loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
  12. Waxaa Shaafici Maxamed Ismaciil loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Daaqa iyo Isbedelka Cimaladda
  13. Waxaa Cabdifitaax Salaad Aadan loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamulwanaaga

Horseed Media