Madaxweynaha Puntland oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia uga warbixiye xaaladda dalka

Published: November 14, 2022
Shares10

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Xaflad weyn oo soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed Dalka Zambia, taasi oo ay kasoo qeybgaleen Boqolaal qof.

Madaxweynaha ayaa hadaljeedintiisa warbixin ku siiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia, wuxuuna la wadaagay Guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Shaqooyinka ka socda, sida Amniga, Dhismaha Ciidanka, Kaabayaasha dhaqaalaha, Garoomada, Dekadaha, Dhismaha Wadooyinka, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Bulshada in Puntland ay ka go’antahay in talada dadka lagu celiyo oo ay soo doortaan dadka ku metelaya Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka, qorshahaasi oo saddex Degmo laga qabtay hadana lagu wado in 37 degmo lagu qabto.

Dhammaan Dadkii Kulanka ka hadlay Masuuliyiin, Jaaliyadda, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwanee Bulshada ayaa soo dhoweyn iyo garab istaag ugu muujiyey Puntland, Waxqabadka dhinac walba ah, horumarka iyo Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

Horseed Media