Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay qodobadii uu diiday inuu saxiixo ee Shirka Wadatashiga qaranka

Published: January 9, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay qodobo uu ku diiday Shirka Golaha Wadatashiga qaranka ee dhowaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa qodobada ay diiday inay saxiixdo Puntland laba ka koobnaa ayaa ay tahay: 

1-Habka Garsoorka uu noqonayo oo ah garsoor madax bannaan balse waxa uu sheegay in meesha la keenay hab ka duwan oo sababay in uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni saxiixo.

2-Habka Maamulka Dowladeed ee heer federal iyo heer Dowlad Goboleed loo qaybinayo oo uu sheegay in uu u muuqday mid kasoo horjeeda Dastuurka Puntland, Kan Federaalka iyo Doonista caqliga waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in markii uu arkay qodobadaas ay ula muuqatay in nidaamka Dowladda Dhexe dib loogu celinayo awoodda iyada oo meesha laga saarayo federaalka lagu heshiiyay.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in mowqifka Puntland ee la xiriira Dowladda Federaalka in maanta oo ah 9ka Janaayo 2023 uu soo bixi doonno, waxa uu ku faanay in Puntland ay gundhig u tahay midnimada iyo xoojinta Dowladnimada Soomaaliya.

Horseed Media