Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in laga gudbo siyaasadda ku dhisan kooxeysiga

Published: November 8, 2022
Shares30

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay xaflad isugu jirta soo dhoweyn iyo taageerida hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ka soo jeeda Puntland ee ku nool Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa munaasabada ka hadlay ayaa ugu horeyn Bulshadii isugu timi uga mahadceliyay soo dhoweynta iyo Munaasabadda.

Sidoo kale waxa la wadaagay shaqooyinka Dalka ka socda, sida horumarada laga sameeyay Amniga, Dhismaha Ciidamada, Hufnaanta Maaliyadda, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha , Dekadaha iyo dardargelinta wejiga labaad ee Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo meel wanaagsan maraya.

Madaxweynaha Puntland ayaa munaasabada ka sheegay inay haboon tahay in laga gudbo siyaasadda ku dhisan kooxeysiga, isaga oo tusaale usoo qaatay kooxda Damul-Jadiid.

“Waxaa la rabaa in ay meesha ka baxaan Dam-jadiid iyo dam-fulaan, Dowladnimada in aan dadka ku celino rabnaa. Anigaana bilaabaya waadna arki doontaan”. ayuu yiri madaxweyne Siciid Deni.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin isugu jirta Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, Xildhibaanka Degmada Kamakunji ee Xaafadda Islii Yusuf Xasan, Xildhibaano heer Federaal iyo Heer Puntland ah, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya iyo Wakiilka Puntland ee Kenya, qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya sida Ganacsatada, Dhaqanka, Haweenka iyo Dhallinyarada.

Horseed Media