Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Eyl, Ufeyn & Qardho

Published: September 17, 2022
Shares4

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo ee Eyl, Ufeyn iyo Qardho.

Mudaneyaasha Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo ayaa la tusay oo booqday qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada ka koobantahay oo uu ku jiro Xafiiska Madaxweynaha oo ay salaan ugu tageen.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Kula hadlay Hoolka Shirarka Isagoo la wadaagay sida ay Dowladda uga go’antahay dhameystirka doorashada degmooyinka Puntland.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdiweli Mire Xirsi, Saraakiil Madaxtooyo iyo Agaasime Guud  ee Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo qaar ka mid ah howlwadeenada Wasaaradda.

Horseed Media