Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socday Sacuudiga

Published: September 20, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada Ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda King Salmaan ee dalka Sacuudiga oo u hoggaaminayo Youssef bin Bakhit Rahma Al Balushi, Madaxa Africa ee Hay’adda King Salmaan ayna qeyb ka yihiin Masuuliyiinta Hay’addaha kala shaqeeya arrimaha bani’aadantinimo ee heer Puntland iyo heer Federaal.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyn, Mashaariicda Hay’addu wado Puntland iyo gurmadka dadka Abaaurhu saameeyeen.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Guddiga Abaaraha oo isugu jira Wasiiro iyo xubno Bulshada ka socda iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali.

Horseed Media