Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wakiilka IGAD ee Soomaaliya.

Published: January 25, 2020

Dr Saciid Cabdilaahi Deni madaxweynaha puntland oo maalmahan ku sugan magaalada Nairobi ayaa la kulmay wakiilka urur goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha soomaaliya Amb Mohamed Ali Guyo.

madaxweyne Deni iyo Danjire Guyo ay  kulankooda uga wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, wadashaqaynta IGAD iyo Puntland, mashaariicda horumarineed ee IGAD ka taageerto Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *