Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan magalada Muqdisho

Published: December 25, 2022
Shares34

Waxaa lagu wadaa maalinta Isniinta ah in uu Muqdisho ka furmo shirkii labaad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ay ku mideysan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah, Rayslawasaaraha iyo ku-xigeenkiisa, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdigiisa ayaa lagu wadaa in ay maanta ka duulaan magaalada Garoowe, si uu uga qayb-galo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

War-murtiyeedkii hore ee ka soo baxay shirkii ugu horeeyey ee qabsoomey 27-31 Oktoobar 2022, ayaa lagu sheegay in shirka ku xiga la qabanaayo Diseembar 2022, halka kan saddexaad la qabanaayo Febaraayo 2023.

Ajandaha shirkan ma cadda, waxa uu ku soo beegmayaa, xili muddo xileedkii loo dhaariyey xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ka dhamaadey, isla markaana dagaal dad ku dhinteen uu ka dhacay Baydhabo.

Horseed media