Madaxweynaha Puntland oo Magaalada Bosaso ka dhagax dhigay xarumo kala duwan

Published: January 25, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo sugan Magaalada Bosaso ayaa dhagax dhigay Bangiga dowladda laabtiisa Bosaso iyo garoonka kubada cagta ee Magaalada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xariga ka jaray Wadada Laamiga Jidka 30-ka ee galbeedka magaalada Boosaaso taasoo dhan 1.5KM, isagoo dhagax dhigay 2KM oo ah dhameystirka Wadadan.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa dhanka kale kormeeray xarumaha dowladda gaar ahaan xarunta gobolka Bari iyo tan dowladda hoose.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalda Bosaso ayaa horey u dhagax dhigay dhismaha iyo balaarinta garoonka diyaarada iyo dekedda magaalda.

Horseed Media