Madaxweynaha Puntland Oo Mar Kale Loo Doortay Saciid Cabdullaahi Deni

Published: January 8, 2024

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baari Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa shirka furay, iyadoo ajanduhu ahaa Doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Intaa kadib, waxaa la gudo galay Doorashada oo ay ku tartamayeen 11 Musharax Madaxweyne iyo 11 Musharax Madaxweyne ku xigeen, waxaana wareeggii ugu dambeeyey ee 3-aad isugu yimaadeen Madaxweynaha dib loo doortay ee Dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo helay 45 cod, halka Dr. Guuleed Saalax Barre oo la tartamayey uu helay 21 cod. Waxaana sidoo kale Madaxweyne ku-xigeen loo doortay Ilyaas Cusmaan Lugatoor.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa shacabka Puntland, siyaasiyiinta, culimada iyo ciidamada qalabka sida ku booriyey inay isku duubnaadaan oo ka wadashaqeeyaan dowladnimada iyo horumarka Puntland.

Horseed Media