Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo weli nadiifin (purge) ku wada maamulkiisa

Published: September 16, 2022

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda in uu ku dhawaaqo isbeddelkii labaad, kadib markii uu habeenkii xalay ee khamiista ku galgashey maamuladii degmooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Sida Horseed Media baahisey habeenki arbacada, isbeddelkan ayaa saameynaya Agaasimayaal muddo dheer xilka hayey, qayb ka mid ah golaha wasiirada, iyo weliba maamulada gobolada qaar kamid ah.

Dadka arrimahan ka faalooda ayaa sheegaya in “Kacaanka” Deni uu horseedka ka yahay ee xil ka xayuubinta (purge) uu la xiriiro in la helo kaadiriin baariyiin ah oo isbeddelka cusub la saanqaada kuwaas buurta (cliff) kala bixi kara, kadib guuldaradii doorashadii Muqdisho iyo dib u nooleynta rajada siyaasadiisa.

Agaasimayaasha isbeddelku ku dhacayo

Agaasimaha dakhliga ee wasaaradda Maaliyadda Abshir Maxamed Abshir (Darbo) oo horey Axmed Karaash ugu khaldamey, ayaa xogtu sheegaysaa in qofkii lagu beddeli lahaa miiska saaran yahay, waxaa isaguna raacaya sida xogtu sheegayso Agaasimaha maamulka ee isla wasaaradda maaliyadda, Keenadiid Jaamac, ninkan ayaa la sheegayaa in uu ku dhawaa Deni laakiin muddooyinkan Kenya isaga maqnaa.

Abshir Darbo ayaa Madaxweyne Deni ka urinayaa in uu ku dhaw yahay Maxamuud Shiddo oo hadda ay kala fogaadeen, isla markaana uu askaaxda ka dhigaayo qofkasta oo uu is lee yahay si uun ayuu ugu xiran yahay.

Agaasimayaasha guud ee isbeddelku saameynaayo waxaa kamid ah:

  • Agaasimaha wasaaradda deegaanka Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor
  • Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Cabdirisaaq Xasan
  • Agaasimaha kaluumeysiga Cabdirisaaq Aadam
  • Agaasimaha qorsheynta Sharmarke Xasan Cali
  • Agaasimaha Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashiid

Dhanka Gobolada iyo degmooyinka ayaa lagu wadaa in isbeddelkaani saameeyo gobolka Bari ku xigeenadiisa iyo degmada Iskushuban.

Horseed media