Xog: Madaxweynaha Puntland miyuu kala dirayaa golaha deegaanka ee Garoowe? Isbeddelkii ugu weynaa…

Published: September 14, 2022
Shares366
Siciid Cabdullaahi Deni

Warar Horseed media ka heshey sarkaal ka tirsan madaxtooyada Puntland oo Horseed kula hadley in la qariyo magiciisa (Anonymous source) ayaa sheegaysa in maanta oo Arbaca ay u ahayd Madaxweyne Deni maalin shaqo tii ugu dheerayd ee soo marta waayadan, waxaana uu xafiiskiisa ku sugnaa muddo aad u dheer, isla maanta ayey ahayd markii uu soo saarey magacaabidda la taliyaasha amniga iyo arrimaha ciidanka.

Xogta Horseed media loo soo dusiyey ayaa sheegaysa in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni qorsheynaayo in uu kala diro golaha deegaanka ee Garowe ee uu hoggaamiyo Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo lagu tilmaamo mid kamid ah guddoomiyaashii ugu wanaagsanaa ee Garowe hesho. Axmed Barre ayaa la doortey sanadkii 2018, waxaana muddo xileedkiisa ka dhiman 11 bilood oo keliya.

Wararku waxay sheegayaan in lagu beddalaayo nin magiciisa lagu sheegay Axmed Jowle oo ah ganacsade, horey uga shaqeyn jirey wasaaradda maaliyadda ee Puntland.

Agaasimyaasha xilka lagaqaadayo?

Isla xogta Horseed la soo gaarsiiyey ayaa sheegaysa in Madaxweyne Deni uu shaqada ka cayrinaayo agaasimayaal muddo dheer xilka hayey oo ay ka mid yihiin.

  • Agaasimaha wasaaradda caafimaadka
  • Agaasimaha madaxtooyada Puntland
  • Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha
  • Agaasimaha wasaaradda qorsheynta iyo kuwo kale.

Xogtan oo aad u dheer ayaa sheegaysa in ay jirto magacaabid dhanka hay’adda sirdoonka iyo amniga ah, iyo Boosaaso oo loo magacaabayo maamul kumeel-gaar ah.

Safarada Gaalkacyo iyo Bosaso?

Madaxweyne Deni ayaa qorsheynaaya in uu magaalada Gaalkacyo safar ku tago isla markaana, uu heshiis la galo waxgaradkii ay ku kala irdhoobeen doorashadii Puntland, sidoo kale soo xaliyo dhacdadii loo geystey nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo weli dhaawac uu ka kaban la yahay u jiifa Turkiye.

Wararku waxay sheegayaan in aanu weli helin Siciid Deni qorshihii safarkiisa, Gaalkacyo, oo uu sugaayo furitaanka dekadda Garacad, sida sarkaalka xogta siiyey Horseed media uu sheegay, haddii safarka Gaalkacyo suurtagal noqon waayo waxaa Madaxweynaha laga sugaya Bosaso oo uu furayo dhismaha cusub ee lagu siyaadiyey dhabbaha diyaaradaha ee garoonka Boosaaso.

Horseed media oo isku daydey in ay ilo kale oo madaxbanaan ka xaqiijiso xogtan uu sarkaalku u soo gudbiyey ayeysan u suurta gelin.

Haddii ay dhab noqoto xogta sarkaalkaasi Horseed soo gaarsiiyey waxay noqoneysaa isbeddelkii ugu weynaa ee Madaxweynuhu ku sameeyo agaasimayaasha, iyo laamaha sirdoonka, waxaase la is weydiinayaa sababta ugu weyn ee keentay in la kala diro gole deegaan oo wakhtigoodu weli dhamaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *