Madaxweynah Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay La-taliyeyaal cusub

Published: September 14, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 51 ee 14-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka. 

Madaxweyne Deni ayaa Saraakiisha hoos ku xusan u magacaabay La-taliyayaasha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka Puntland ee Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

1. S/gaas. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan)

2. S/gaas. Yasiin Cumar Dheere 

3. S/gaas. Cabdishugri Cabdulaahi Xuseen

4. S/guuto. Siciid Cabdi Faarax (Tuutawayne)

5. S/guuto. Dayr Xaaji Cabdi 

Ugu dambeyn wareegtada waxaa lagu soo gabagabeeyey “Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay”

Horseed Media 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *