Madaxweynaha Puntland oo Xariga ka Jaray Dugsiga Sare ee Al-Xikmah ee Magaalada Garowe-Sawiro

Published: February 27, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Garowe xariga kaga Jaray Dugsiga sare ee AL-Xikmah oo ay si wada jir ah u dhiseen Puntland iyo Dawladda Jordan.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ku wehelinayey xafladda xarig jarka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise iyo Wasiir ku xigeenka waxbarashada Maxamed Cali Faarax wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada, mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ardayda. macallimiinta dugsiga sare Al-Xikmah , waalidiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu mid-mid u galay fasalada iyo xafiisyada uu ka kooban yahay dugsiga sare ee Al-Xikmah, isla mar ahaantaana waxa uu madaxweynuhu mid-mid u gacan qaaday ardayda dugsiga sare AL-Xikmaha, kuwaas oo wajiyadooda laga dheehanayey farxad iyo rayn-raynta ay u qabaan booqashada uu Madaxweynahada Puntland ugu yimid.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadii xarig jarka ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in kor looqaado aqoonta jiilka soo koraya isagoona madaxweynubhu sheegay,

“waxaa maanta farxad weyn ii ah inaan idin kala soo qayb galo xafladan sida wanaagsan loo soo agaasimay ee aynu ku furayno iskuulka Al-Xikma oo sanad ka hor aan dhagax-dhignay, waxaan u mahad celinayaa maamulka iskuulka iyo dawladda Jordan oo qayb wanaagsan ka qaatay dhammeystirka mashruucan, waxay ka mid tahay guulaha isku tashiga iyo wadashaqaynta dhow ee ay lee yihiin dawladda iyo shacabka Puntland, hadaba maanta waxaan idin kula dar-daarmayaa in aad sii xoojisaan horumarinta waxbarashada iyo wanaajinta iyo kobcinta ardayda iyo jiilasha soo koraya,kuwaas oo noqon doona hogaamiyeyaasha berrito, ayuu yudhi madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas”

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wada qeyb qaato horumarka iyo dadaalada Puntland lagu gaarsiinayo dawladdaha hore umaray gaar ahaan kor uqaadida waxbarshada Puntland oo Puntland xooga saari doonto inay ahaato waxbarashadu mid hormarsan.

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *