Madaxweynaha Puntland oo xiriir kala sameeyey Maxkamadda dastuuriga dacwadda laga gudbiyey dastuur beddelka

Published: August 8, 2023
Garsoorayaasha Maxkmadda sare oo xilka loo dhaarinaayo Nofeember 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wararku sheegayaan in uu ku jiro difaaciisi u danbeeyey ee arrimaha doorashooyinka, kadib markii dastuurka laga beddeley ilaa 10 qodob oo qaarkood xiriir la lee yihiin doorashooyinka, waxaana uu xiriir la sameeyey qaar kamid ah garsoorayaasha maxkmadda dastuuriga ah.

Urur siyaasadeedka Mideeyey ayaa dacwad ka dhan ah wax ka beddelka dastuurka u gudbiyey maxkmadda dastuurka, ururkan ayaa doodiisu salka ku haysaa, intaan doorashada la gelin in ay ahayd waxka beddelka la sameeyo, laakiin shuruuc doorasho lagu galay, inaan dastuurka loo beddeli karin si natiijadaloo beddelo.

Madaxweyne Deni ayaa xiriir toos ah la sameeyey qaar kamid ah xubaha maxkamadda dastuuriga kuwaas oo diidey in aan magacooda soo xigano, waxaana uu ka codsadey in aysan waxba kama jiraan ka soo qaadin wax ka beddelka dastuurka, arrintan ayaa noqon karta mid denbi ah haddii ay cadaato oo kiis maxkamad yaala aan awood loo adeegsan akrin in la hor istaago (obstruction of justice).

Maxkamadda dastuuriga ah ayaa ka kooban 9 garsoore, waxaana marka ay dacwadda qaadeyso guddoomiye u noqonaya isla guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Warar Horseed Media soo gaarey ayaa sheegaysa in maxkamadda dastuurigu aysan ku qanacsaneyn qaabka xildhibaanadu u mareen hindisaha waxka beddelka dasuurka iyada oo markii hore guddoomiyaha golaha wakiiladu soo weydiiyey fasiraad sharci, Maxkamadda ayaa sheegtey qodobka 46 farqadiisa saddexaad ay xukuumaddu soo jeedisey wax ka beddelkiisa taasna u martey sifo sharci ah, laakiin Baarlamaanku uu ku darsadey qodobo kale oo badan oo aan xiriir la wadaagin qodobka 46, dhanka kale Maxkamaddu dastuurigu ma sheegin qodobka waxka beddelka lagu sameeyey xiliga uu dhaqan gal noqonaayo, taas oo dooda ururka Mideeye salka ku hayso.

Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda in Maxkamaddu kiiskan go’aan ka gaarto.

Maxkamadda dastuuriga ayaa ka kooban:

Xassan Yuusuf Nuur Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
Axmed Sheikh Cumar Xassan Guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare
Sh. Saciid Axmed Faarax – Garsoore.
Maxamuud Cawad Cumar – Garsoore.
Saciid Maxamuud Maxamed – Garsoore.

Garsoore Ismaaciil Cabdullahi Cilmi
Garsoore Aadan Cumar Maxamed
Axmed Xuseen Maxamed
Garsoore Cali Cabdiraxmaan Maxamuud ( Qaanuuni)

Horseed Media