Madaxweynaha Puntland & qaar kamid ah Ururada siyaasadda oo kulan ka yeeshay caqabadaha ka jira doorashada

Published: December 19, 2022
Shares4

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe kulan kula yeshay qaar kamid ah ururada Siysadadda ee Puntland iyagoo ka wada hadlay qodobo ay horey u soo gudbiyeen Ururada isku diiwaan galiyay Siyaasadda Puntland.

Labada dhinac ayaa ka heshiiyay qodoba ay dhowaan soo jeediyeen ururrada oo ku saabsan xallinta caqabadaha ka jira hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.

Kulanka Madaxweynaha iyo ururada Siyaasadda waxaa ka maqnaa saddex urur siyaasadeed oo ay ku jiraan Horseed iyo Mideeye kadib markii sida la sheegay aysan ku qancin sida loo wajahay qodobada qaarkood.

Dhankooda urur siyaasadeedyada Puntland ee aan kulanka ka qeyb gelin oo War-saxaafadeed soo saaray ayaa ku eedeeyay xukuumadda Puntland inay fara gelin ku hayso ururrada islamarkaana kala jebin ku waddo.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in la isugu yimaado shirweyne guud si loo badbaadiyo geeddi-socodka hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Horseed Media