Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeeray Dekedda Garacad

Published: December 21, 2022
Shares2

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa saaka kormeeray Dekedda cusub ee magaaladaasi. 

Madaxweynaha waxa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekedda, isagoo warxino faahfaahsan oo ku qotoma qaabka shaqadu u socoto ka dhegaystey masuuliyiinta iyo hawlwadeenada dekedda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaa ku wehelinaayey kormeerka shaqo ee uu ku tegey dekedda Garacad masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo Guddiga Shirkadda Wadaagsan.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Hay’addaha Dowladda ee ka hawlgelaya dekedda Garacad. 

Horseed Media