Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo lagu soo dhoweeyay Boosaaso

Published: January 21, 2023
Shares2

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso, Saraakiisha Ciidanka, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa soo dhoweynta kadib aanan la hadlin warbaahintii iyo dadkii kala duwanaa ee soo dhoweeyey.

Safarka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku soo aadaya xilli shakey laga soo gabagabeeyey diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha doorshada.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa inuu xarig-jar iyo dhagax dhig ku sameeyo goobo kala duwan sida groonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada.

Horseed Media