Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay xilal cusub

Published: October 26, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta wareegtooyin uu soo saaray ku magacaabay xilal cusub oo isugu jira Agaasimayaal iyo Taliyeyaal.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Puntland u kala magacaabay, S/Guuto Muumin Cabdi Shire iyo S/Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug u magacaabay G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf.

S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayuu sidoo kale Madaxweyne Deni u magacaabay Taliyaha la Dagaalanka Argagaxisada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Cabdiqani Yuusuf Daahir u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Puntland, halka Cabdirisaaq Cali Cartan uu u magacaabay Agaasime ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Magacaabistaan ayaa ku soo beegmaysa xillii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu maanta u duulay Magaalada Muqdisho halkaas uu kaga qeyb geli doono shir u dhaxeeya Madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Horseed Media