Madaxweynaha Puntland Siciid Deni: “..Muddo kororsi niyadda kuma hayno, doorashada xilligeedi ayaan ku qaban..”

Published: August 2, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysey sheegay in doorashada Madaxweynaha Puntland xiligeedi uu ku qabanaayo.

Khudbadda Siciid Cabdullaahi Deni ka jeediyey magaalada Garoowe xaflad loo sameeyey xuska maalinta Puntland ee 1da Agoosto sanad guuradii 25 aad ka soo wareegtey asaaskii Puntland, ayaa koobneyd waxaana ay taabaysey dhinacyo badan.

Ugu Horreyn Madaxweynaha ayaa ka hadley waxa mamaulkiisu qabtey mudadii shanta sano ahayd isaga oo ku soo koobey, in ay ahmiyad siyeen, Amniga, ssharciga, hormarinta ilaha dhaqaalaha, dhamaystirka caddaaladda iyo qabashada doorashada goloyaasha deegaanka.

DOWLADDA FEDERAALKA

Madaxweyne Deni ayaa khudbadiisa ku sheegay in uu baaq u diraayo umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dowladda federaalka, waxaana uu ku baaqey in la isugu yimaado shir dhab u hadal ah, oo lagu gaaro heshiis, si loo dhiso dawlad sal adag leh oo Soomaaliyeed, dhanka kale waxa uu sheegay in dastuurka federaalka aan la dhamaystiri karin inta xaaladda Somaliland ay taagan tahay, markastana uu qabyo noqonaayo ilaa xal laga gaaro.

SSC-KHAATUMO

Madaxweynaha Puntland ayaa hambalyo u diey shacabka SSC, waxa uu ugu hamblayeeyey in maanta ay kelmadoodi mideeyeen, oo aayahooda ka tashanayaan, wuxuu sheegay in ay siiyeen fursad ayse rajeynayaan in iyaga oo walaalo ah oo dhinaca isku haya, wax wada dhistaan.

DOORASHADA 2024 EE PUNTLAND

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisu ku dedaaley in doorashada xisbiyada la qabto taas oo ahayd dastuuri muddo dheer la sugaayey, waxa uu u hamblayeeyey Golaha wakiilada ee isbeddelka ku sameeyey dastuurka Puntland, waxaana uu 25 Luuliyo oo ahayd maalinta isbeddelka lagu sameeyey dastuurka ku tilmaamey maalin weyn. Madaxweyne Deni waxauu sheegay in Puntland ay leedahay xisbiyo siyaasadeed uu soo dhaweynaayo kala aragti duwanaanshaha.

Ugu danbeyn waxa u ku dhawaaqey in uusan rajeyn oo qorshsha ugu jirin in maamulkiisu muddo kororsi samaysto, doorashada waxaan ku qaban xiligeedi 8 janaayo 2024, waxaan haysanaa 5 bilood ayuu yiri oo aan wax ku qaban karno, Xisbiyada siyaasadeed ayuu ugu baaqey in ay soo magacaabaan xubnihii guddiga doorashada uga mid noqon lahaa.

Golaha xukuumadda iyo anigaba waxaan dadka Puntland u sheegaynaa in aan rajeyneyno ama diyaar u tahay in doorashada xiligeedi ku qabato, niyad kororsi ah naguma jiro, waan ognahay dhibta uu lee yahay, madaxweynuhu ma hadlo ayaa la yiri maanta ayaan idinla hadley, waxaan rabaa in 8 Janaayo la galo doorasho xisbiyo.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha PUntland

Horseed Media