Madaxweynaha Puntland Siciid Deni muxuu kala soo noqdey safarkiisi Muqdisho?

Published: December 6, 2022
Shares82

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa gabal-dhicii isniinta dib ugu soo laabtey xarunta Puntland ee Garoowe, kadib safar qaatey wax ka yar 30 saac oo kaliya oo uu ku tegay Muqdisho, kaas oo ahaa safarkii ugu gaabnaa abid uu u baxo, meel ka baxsan Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qatey mudadii uu Muqdisho ku sugnaa safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mr  Larry André, waxaana ay ka wada hadleen xaaladdii ka dhacdey magaalada Gaalkacyo todobaadkii hore, iyo arrimo kale oo la xiriira amniga. Horseed oo soo xiganaysa ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ogaatey in Madaxweynaha Puntland lagu canaantey qaabkii uu u dhaqmey markii ay saraakiisha Ameerikaanku dib ugu laabteen Gaalkacyo, waxaana laga wada hadley sida loo sii wada shaqeyn karo.

Sidoo kale Safaaradda Maraykanka ayaa wax ka weydiisay Madaxweynaha Puntland dooni dhawaan la qabtey taas oo sidey khudaar, laakiin lagu soo qariyey hub iyo rasaas, welina ma jirto wax faahfaahin ah oo doontaas laga bixiyey.

KULANKA XASAN SHEEKH

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa kulan qaatey 4 saacadood la yeeshay Madaxweynaha dowaldda federaalka Xasan Sheekh maxamuud.

Siciid Deni oo maalintii khamiistii si weyn shirkii golaha wasiirada ugu dhaleeceeyey siyaasadda Xasan Sheekh, ayaa wararku sheegayaan in aan kulanka wax is faham ah ka soo bixin, taas oo kaliftey in Madaxweyne Deni si degdeg ah uga soo baxo Muqdisho.

Horseed media