Madaxweynaha Puntland Siciid Deni Oo Baaq U Direy Urur Siyaasadedka Mideeye

Published: August 12, 2023
Shares54

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta oo sabti ah shir uga qayb-galay magaalada Qardho ayaa sheegay in xalka keliya ee dalku uu yahay in la dhamaystiro nidaamka dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka ee uu bilaabey.

Isaga oo tusaale u soo qaatey maamulka degmada Qardho ayuu yiri, waxay ku dhiiradaan in ay mucaaradaan dowaldda oo waxa laga gaabiyey sheegaan, maxaa yeelay waxay haystaan xasaanadda dadka deegaanka ee soo doortey, waa xildhibaano awood leh ayuu yiri.

In la is doorto waxay kor u qaadeysaa fahamka dowladnimada, danteena ayaana ku jirta in aan xoojino nidaamka doorashooyinka ee aan u diyaar garowno doorashooyinka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa baaq u direy urur siyaasadeedka Mideeye ee ka horyimid wax ka beddelka dastuurka in ay doorashada ka qaybqaataan.

Madaxweyne Deni ayaa ku doodey kadib wax ka beddelka dastuurka isaga oo aan soo qaadin “……shalay haddey ururadu saddex ahaayeen maanta waa sagaal maxa farqi ah oo u dhexeeya ayuu is weydiiyey….” ” halkan waxaan baaq uga dirayaa Xisbiga Mideeye inaga oo sagaal ah ayaan galney doorashadii goloyaasha deegaanka, Mideeye waad naga guuleystateen ee ku soo noqda doorashooyinka oo haka biqina ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay xisbiyo mucaarad ah oo wadada saxda ah ku soo celiya dowladda, “… waagii la i doortey waxaa i wareeriyey kuwo igu leh anagaa kursiga ku geyney, abaal la isu sheegto ayaaba iga horyimid, oo ma waxaad kursiga ii geyseen in aan dadka u shaqeeye mise idinka idiin shaqeeyo….” waxaan rabaa in dadku wax doortaan si loogu shaqeeyo ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweyne Deni waxa uu ku dhaartey in uu ka shaqeynaayo doorasho hufan oo aan ku shubasho ahayn, hadafkeygu maaha in aan soo noqdo ee waa in barnaamijkan hirgalo ayuu yiri, haddii la i doortona waan idiin shaqeyn haddii kalena xilka waa wareejin.

Waxaa la is weydiinayaa waxa dhaarta madaxweynaha ka run ah, iyada oo shrucuucdii doorashada lagu geli lahaa badankeedi uu beddalay, iyada oo doorashada lagu dhex jiro, ururada mucaaradku ku waxay ku eedeeyeen in uu tolanayo shaarkii guushiisa.

Horseed Media