Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka hadlay xaaladda Laascaanood iyo tan doorashada qof & cod

Published: January 2, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo weliba tan doorashooyinka la filayo inay dhowaan bilaabato.

Madaxweyaha Puntland ayaa ugu horreyn sheegay in Doorashada gobolayaasha degaan ee qorshan iyo dagaalka ka dhanka ah Somaliland laysku wadayo wuxuu sheegay in labada loo wada diyaar garoobo.

“Dalku laascaano maaha oo Dagaal kama wada Socdo Laascaano waan Difaacaynaa Inta kalana Doorashaan ka qabanayaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni/

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta shacabka loogu leynayo Laascaanood ay tahay mid laga leeyahay ujeedooyin guracan oo kasoo horjeeda Soomaalinimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in looga baahan yahay bulshada Gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn inay midoobaan oo ay garowsadaan in la joogo xiligii midowga, siyaasiinta kasoo jeeda gobaladaas ee taabacsan Somaliland ayuu iyaguna ugu yeeray in damiirkoodu shaqeeyo.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ka hadlay mowqifkiisa Sool ayaa yiri “Dadka reer Sool waxa ay xaq u lee yihiin, meel Alle iyo meel kasta oo ay ku qanacsan yihiin in ay aadi karaan”

Sidoo kale Madaxweyne Deni oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey Masuuliyiin uu xulka ka qaaday kadib doorashadii qof & cod ee lagu tigaabiyey Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayaa yiri “Waxaan ka xumahay in labadaa masuul aad sheegtay inaan ku khaldanay maxaa yeelay hadiiba ay aaminsanaayeen in tare geli doonaan oo dalka Doorasho ka qabanayaan inay Doorasho ka shaqeeyaanba ma aheyn”

Horseed Media