Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, oo kulan la qaatay Odeyaasha deegaanka Garacad

Published: December 20, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Garacad, ayaa kulan la qaatay Guddiga Odeyaasha deegaanka Garacad.

Madaxweynaha ayaa Guddiga Odeyaasha ka dhegaystay warbixin ku saabsan xaaladda deegaanka Garacad.

Sidoo kale waxaa Kulanka looga hadlay Nabadgelyada, Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee degmooyinka iyo Horumarinta Deegaanka Garacad.

Guddiga Odeyaasha ah ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha, Ahmiyada uu siiyey deegaanka iyo sida dowladdu uga howlgashay Dhismaha Dekadda Garacad iyo Mashaariicda kale ee horumarin, waxayna muujiyeen sida ay isugu diyaarinayaan Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee inagu soo fool leh.

Horseed Media