Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, oo xariga ka jaray wadooyin dayactir lagu sameeyay

Published: January 7, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray wadada Laacdheere –  Rabaable ee Gobolka Nugaal taasi oo dhan  14 KM, oo la dhameystiray dhisme iyo dayactir lagu sameeyay. 

Wadada Laacdheere-Rabaable ee maanta xariga laga jaray waxaa lagu hirgeliyay Cashuurtii Shacabka laga qaaday oo Dalka dib loogu celiyay. 

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Howlaha Guud, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Hay’adda  Waddooyinka Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Degmada Garoowe, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, la-taliyaal Madaxweyne iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan. 

Madaxweyne Deni, ayaa xariga ka jaray Wadada Isku xirta deegaanka Xaarxaar iyo Degmada Buurtinle, wadadaasi oo Hab casri ah oo Laami ah loo dhisay .

Sidoo kale Madaxweyne Siciid Deni wuxuu isla maanta dhaggax dhigay Wadada isku xirta Brita-dheer iyo Kalabayr oo lagu sameynayo dayactir iyo dib u dhis.

Puntland ayaa ahmiyad gaar ah siisay dhismaha Waddooyinka, waana qeyb ka mid ah qorshaha Dowladdu ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dadku helo adeeg Dowladnimo oo dhameystiran.

Horseed Media