Safarka Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ee Magaalada Qardho Muxuu Daaran Yahay?

Published: August 10, 2023
Shares4
deni qardho
Madaxweynaha Puntland oo kormeeray khasaaraha ka dhashey daadkii ku soo rogmadey Qardho Abril 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa fiidnimadii Khamiista gaarey magaalada Qardho. Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliyey qaar kamid ah wasiirada Puntland iyo shaqaalaha xafiiskiisa.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Deni dhawr maalmood ku sugnaan doono magaalada Qardho, kulamo la qaadan doono bulshada magaalada. Sanadkii 2020 ayaa biyo xoog badan magaalada ku soo rogmadeen kuwaas oo geystey khasaaro baaxad leh, tan iyo sanadkaas laba jeer oo kale ayaa biyo ka yar kuwii hore ku soo rogmadeen kuwaas oo geystey khasaaro.

Soomaaliya oo dhan ayaa looga soo gurmadey magaalada Qardho, waxaana ilaa hadda u yaala lacag badan oo aan waxba looga qaban biyaha magaalada ku soo rogmada. Madaxweynaha ayaa hadda wada qorshihii biyaha looga maareyn lahaa magaalada, waxaana uu wadatashi la sameyn doonaa bulshada magaalada, waxaa waraku sheegayaan in biyaha marin loo baneyn doono oo la dumin doono qaar kamid ah gutryaha ku yaala biyo mareenka.

Muddo kudhaw saddex sano ayey ku qadatey Dowladda Madaxweyne Deni in ay wax uga qabato maareynta biyaha ku soo rogmada magaalada Qardho.

Magaalada oo aad u dhisantey 15 kii sano ee u danbeeyey ayaa sababtey in la dhisto waddooyinkii biyuhu mari jireen, maadaama magaalada ay ku taalo dooxo biya mareen ah.

Horseed Media