Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka inay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Cabdirashiid Jilley oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo warsaxaafadeed ay qabteen taageero ugu muujiyey dowladda Itoobiya, isla markaana ka horyimid ciidamada Masar ee nabad ilaalinta u imaanaya dalka.
Horseed Media