Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo

Published: January 16, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka qeyb-galaya Shirka Wadatashiga iyo Dib u Heshiisiinta Koonfur-Galbeed ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Goboleedka Koonfur-Galbeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur, si loo xaqiijiyo Koonfur-galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Koonfur-galbeed waxa uu xoogga saari doonaa sidii loo dardar gelin lahaa xoreynta deegaannada Konfur-galbeed ee wali ay argagixisadu ku dhibaateeyaan dadkeenna, kana soo maleegayaan gumaadka iyo amni darrada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud ee Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Mas’uuliyiin ka kala socday Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Horseed Media