Madaxweynaha Ukraine oo dhiggiisa Mareykanka Joe Biden kula kulmaya Japan

Published: May 20, 2023
Shares46

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka madaxda G7 ee ka dhacaya magaalada Hiroshima ee dalka Japan dhamaadka todobaadkan.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa halkaas kula kulmi doona madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, sida uu telefishinka uu ka sheegay madaxiisa shaqaalaha.

Labada hoggaamiye waxay ka wadahadli doonaan arimo ay ku jiraan isbahaysiga diyaaradaha dagaalka caalamiga ah.

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa haatan ku sugan magaalada Jeddah ee caasimadda boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tegey in uu uga qeyb galo shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta, iyadoo Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo si weyn u taageeray Ruushka dagaalka sokeeye, uu sidoo kale goobjoog ka noqon doono kulanka Carabta.

Horseed Media