Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib ugu laabta magaalada Kismaayo

Published: September 28, 2024

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.

Horseed Media