Madaxweyne Deni oo Bosaso Dib Ugu Soo Laabtay-DAAWO

Published: February 24, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ugu maqnaa Dalka Jabuuti ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Boosaaso.

Weftiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Bosaso ku soo dhaweeyay xubno isugu jira xukuumada, barlamaanka, Guddoomiyaha gobolka bari, kan degmada, Cuqaal iyo waxgarad.

Madaxweynaha ayaa muddadii uu ku sugnaa dalka Jabuuti wuxuu la kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, waxa uu booqday Dekedaha dalka Jabuuti, Xarunta Shirkada internetka ee fiber Obtic iyo xarumo kale oo dowladda Jabuuti leedahay.

https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/1491653591000979/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *