Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Garsoorkii iyo Xeer-ilaaliyaashii Ugu badnaa

Published: June 18, 2023
Siciid Deni Qardho

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa isku shaandhayn ku sameeyay garsoorka iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha darajada 1aad iyo rafcaanka ee gobolada Puntland.

Madaxweynaha ayaa meelmariyey isku shaandhayntan oo guddiga sare ee garsoorka Puntland uu ku sameeyay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha maxkamadaha rafcaanka iyo derejada 1aad, iyagoo qaarkood la isku beddelay kuwana la dallacsiiyay.

Hoos ka akhriso digreetada:

  1. Waxaa Cali Ibraahim Maxamed oo ahaa Garsoore Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Bari loo magacaabay Guddoomiyaha Racfaanka ee Gobolka Bari.
  2. Waxaa Yaasiin Axmed Cabdi loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Boosaaso.
  3. Waxaa Cabdifataax Ciise Muuse loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Boosaaso.
  4. Waxaa Cabdiraxmaan Abshir Maxamed oo ahaa Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Boosaaso, loo magacaabay Xeer-ilaaliyaha guud ee Gobolka Bari.
  5. Waxaa Cabdikariim Maxamed Nuur oo Garsoore Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Nugaal loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Garoowe.
  6. Waxaa Cabdifataax Cabdiqaadir Guure loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Garoowe.
  7. Waxaa Cabdiqaadir Sh. Cabdullaahi Hilowle loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Buurtinle.
  8. Waxaa Burhaan Sh. Daahir Aadan loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Gaalkaayo.
  9. Waxaa Cabdisalaan Maxamed Axmed loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Qardho.
  10. Waxaa Cabdifataax Macalin Nuur Ibraahim loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Qardho.
  11. Waxaa Axmed Maxamuud Maxamed loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Dhudhub.
  12. Waxaa Cabdisalaan Maxamed Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Badhan.
  13. Waxaa Cabdullaahi Maxamed Shire loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Badhan.
  14. Waxaa Maxamuud Cabdirisaaq Faarax loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Badhan.
  15. Waxaa Faadumo Cabdullaahi Yuusuf loo magacaabay Xeer-ilaaliyaha Gobolka Sanaag.
  16. Waxaa Cabdikariim Siciid Yuusuf loo magacaabay Xeer-ilaaliyaha Gobolka Sanaag.
  • BEDEL
  1. Waxaa Abuukar Cabdinuur Jaamac oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Boosaaso, loo bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Qardho.
  2. Waxaa Cabdiqaadir Maxamed Axmed oo ahaa Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Boosaaso, loo bedelay Garsoore Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Garoowe.
  3. Waxaa Cabdinuur Jaamac Xuseen oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Garoowe, loo bedelay Garsoore Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Nugaal.
  4. Waxaa Maxamed Bashiir Axmed oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Qardho, loo bedelay Garsoore Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Karkaar.
  5. Waxaa Bashiir Ismaaciil Axmed oo ahaa Xeer-ilaaliyaha Gobolka Bari, loo bedelay Xeer-ilaaliyaha Gobolka Mudug.
  6. Waxaa Cabdifataax Cismaan Aadan oo ahaa Xeer-ilaaliyaha Gobolka Mudug, loo bedelay Xeer-ilaaliyaha Gobolka Nugaal.
  • RUQSO
  1. Waxaa Faadumo Axmed Xasan oo ahayd Xeer-ilaaliyaha Gobolka Nugaal laga ruqseeyey shaqadii Garsoorka.

Horseed Media