Madaxweyne Deni oo magacaabay xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka

Published: December 6, 2022
Shares92

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne kaas oo ku saabsan magacaabid labo xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka. 

Madaxweynaha Puntland ayaa Garyaqaan Suleymaan Sheikh Cabdullaahi Maxamuud u magacaabay xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Garyaqaan Cabdiqani Mire Xirsi u magacaabay xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni ayaa ugu dambeyn lagu yiri “Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay”

Magacaabistaan uu sameeyey Madaxweyne Siciid Deni ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhameystirka xubnaha maxkamadaha ay kamid ahaayeen shuruudihii ay soo bandhigeen ururadda siyaasadda Puntland.

Horseed Media