Madaxweyne Deni Oo Xilalka Ka Qaaday Wasiiro Ka Tirsan Xukuumaddiisa

Published: June 17, 2023
Deni isbeddel

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xilalkii ka qaaday wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa xilalkii looga qaaday Wasiirkii Amniga iyo Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Puntland, kuwaas oo lagu eedeeyey xil gudasho la’aan.

Hoos ka akhriso:

Garoowe: 17 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Xil gudasha la’aantooda

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay:

  1. Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland.
  2. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Horseed Media