Madaxweyne Joe Biden oo Richard H. Riley u magcaabay safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya

Published: March 30, 2023

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa u magcaabay Richard H. Riley in uu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Aqalka cad.

Safiirka cusub ee Soomaaliya loo magcaabay ayaa haatan xil sare ka haya wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaradda Maraykanka ee Canada.

Richard H. Riley ayaa hore uga soo shaqeeyey dalalka Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Russia iyo Yemen.

Danjiraha cusub ayaa bedelaya safiirka Maraykanka haatan u jooga Dowladda Soomaaliya ee Larry Andre.

Horseed Media