Madaxweyne ku-xigeeka Galmudug oo sheegay in Caabudwaaq uu ka dhacay “Kacdoon”

Published: September 9, 2023
Shares14

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo khudbad ka jeediyey doorshadii maamulka golaha deegaanka ee degmada Caabudwaaq ayaa sheegay sida Caabudwaaq ugu dulman tahay mamaulka Galmudug, waxaana uu ku tilmaamey isbeddelka mamaulka ee lagu sameeyey “kacdoon”

Madaxweyne ku xigeenka ayaa is babar dhigay arrinta Caabudwaaq iyo tan Laascaanood, isaga oo tilmaamay inay isku egyihiin kacdoon ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Kacdoonka maanta ka jiraa Caabudwaaq wuxuu u egyahay midkii Laascaanood ka dilaacay waxaa la rabaa inaad isku tashataan” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu maamulka ka tirsan yahay ee Galmudug ku eedeeyay inuu xaqiray degmadan oo uu kasoo jeedo, wuxuuna tilmaamay in canshuurteeda laga faa’iideysto.

“Waxaan idin xaqiijinayaa degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug oo degmadan (Caabud-waaq) ay ugu horreyso inay xaqiran tahay inay wixii ay xaqa u lahayd helin” ayuu mar kale sii raaciyay.

Cali Daahir Ciid ayaa ugu baaqay reer Caabudwaaq inay isku tashadaan, waxna ka qabtaan xaaladaha ka jira magaaladaasi.

“Dhaqaalaha degmada laga soo saaro waa inay dib ugu laabtaan ayada oo lagu dhiso, sida sharciga dowladaha hoose uu dhigaayo, degmo walbaa ayadaa maamulkeeda u madax bannaan” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmuudg.

Cali Daahir Ciid ayaa todobaadkii hore shaqada ka joojiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug Cabdi Waayeel oo isaguna ka soo jeeda Caabudwaaq, laakiin waxaa waxba kama jiraan arintaas ka dhigey Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo sheegay in Cali Ciid uu dastuurka baalmarey, taas oo keentey in ay isku eedeeyaan khiyaano qaran iyo xagal daacin dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *