Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo sii xooggan loogu soo dhaweeyey Garowe

Published: September 27, 2022
Shares30

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Garowe ee caadimadda Puntland.

Soo dhoweynta Madaxweyne kuxigeenka waxaa ka qeyb galay Goleyaasha dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan, Culimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

“Illaahay baa mahad leh igu soo celiyey dalkii oo nabad ah, waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa ka rajaynaynaa inuu Raxmad Khayr leh inoo shubo oo inaga dulqaado Abaarta saamaysay dadkii iyo duunyadiiba, aniga oo la socday in meelo kamid dalka Roobku ka da’ay” ayuu yiri Axmed Karaash.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyey Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maalmihii lasoo dhaafay  safar gaar ah ugu maqnaa dalka dibediisa

Horseed Media