Madaxweyne Laftagareen iyo Wafdi gaaray Diinsoor

Published: November 19, 2023

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaree, Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo qaar ka mid ah golaha Wasiirada Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey maanta magaalada Diin-soor ee Gobolk Bay.

Ujeedka ay madaxdu halkaas u gaareen ayaa lagu sheegay in ay tahay soo xerista shir dib u hishiisiin ah oo magaaladaas ka socday iyo sidii bulshada Diinsoor dagta ay ugu sheegi lahaayeen inay u diyaar garoobaan ka qayb qaadashada howlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta gaar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.