Madaxweyne Laftagareen oo sheegay in baaris lagu sameynayo dagaalkii Baydhabo

Published: December 24, 2022

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka hadlay dagaalkii shaley ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in baaris madaxbannaan lagu sameynayo dagaalkaasi oo sababay dhimasho, dhaawac & burbur hanti.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nasiib-darro ay tahay in ciidamada dhexdooda rasaas isaga hor yimaadaan halkii la rabay in ay dagaal wadajir ah la galaan Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maxkamad lasoo taagayo cidda yeelata mas’uuliyadda dagaalka ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyn Madaxweyne Laftagareen ayaa wadahadal ugu baaqay dhinacyada ka aragtida duwan ee ka soo hojeeda muddo kordhintiisa.

Horseed Media